The Assumption of the Virgin Mary, Akhriska Koowaad

The Book of Revelations 11: 19, 12: -1, 6

11:19 Markaasaa macbudkii Ilaah samada laga furay. Oo sanduuqii axdigiisiina waxaa lagu arkay macbudkiisa. Oo waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roobdhagaxyaale weyn.
12:1 Markaasaa waxaa samada ka muuqatay calaamo weyn: naag qorrax u xidhan, dayaxuna wuxuu ku jiray cagaheeda, oo madaxeedana waxaa u saarnaa taaj laba iyo toban xiddigood ah.
12:6 Naagtiina waxay u carartay cidlo, oo meel lagu qabanayey oo u diyaargaroobey, si ay meeshaas ugu daaqaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood.